August 9, 2006

Calan Cusub Oo Laga Taagay Laascaanood oo logu magacdaray–(Darwiishland Of Somalia)

Calanka Cusub ee Reer Laascaanood

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa saaka ku waabariistay calan cusub oo ka babanaya suuqyada magaalada iyo qaar ka mid ah gaadiidka dadwaynaha

Calanka ayaa ah calan buluuga ah oo ay dhexda kaga taalo sawir Faras ah iyo qoraal uqornaa Darwishland Of Somalia, dadwayne aad ubadan ayaa iyagoo koox koox ah waxay la dhexqaadayeen wadooyinka waawayn ee magaalada iyagoo ka hortaagay xafiisyada maamulka gobolka ..

Mid ka mid ah masuuliyiintii wadatay calankan ayaa afnugaal.com u xaqiijiyey in calankani uu bilow u yahay maamul dhowaan la soo dhisi doono maamulkaas oo lamagac baxaya Darwiishland Of Somalia

Dadwaynaha reer laascaanood ayaa aad usoo dhoweeyey hindisahan cusub ee maamul usamaynta gobolada Sool.Sanaag, Iyo Cayn taas oo ay u arkaan inay muhiimad wayn ugu fadhido bulshawaynta ku abtirsata daraawiishta ..

Dadwaynaha saaka marayey wadooyinka laascaanood ee ruxayey calanka Darwiishland Of Somalia ayaa ku dhawaaqayey ereyo lidi ku ah Somaliland , Puntland, Iyo wali Dowlada C/laahi yuusuf ..

Mar aanu wax ka waydiinay masuul ka mid ahaa masuuliyiintii saaka ka qayb gashay damaashaadkii Calanka Darwiishland Of Somalia waxa ay dowlada c/laahi yuusuf ugu kacsan yihiin ayaa ku jawaabay isag oo ay wajigiisa cadha ka muuqatay (C/laahi yuusuf ayaa ka mas’uul ah ciidamada is horfadhiya adhi-cadeeye waxaana uu doonayaa in aanaan iska kicin ciidanka isaaqa ee nagu soo duulay si aanay dowladiisu u burburin kama yeelayno c/laahi yuusuf waa danayste hada laga bilaabana xoog ayaanu dhulkayaga ku xoraynaynaa )

Ugu danbayntii maamul goboleedka puntland ayaan isagu haba yareetee wax wara ka soo saarin taas oo umuuqata inuu waxba ka qaban Karin sababtoo ah calanka waxaa wata rag ka tirsan dowlad goboleddka puntland.

Source: Dayniile.com