August 7, 2006
Siyaasiyiinta Reer Awdal Qaarkood Oo Faalo ka Bixiyey Ikushandhaynta Xukuumada Madaxweyne Rayaale
"Rayaale waxa uu nagu riixayaa inaan soomaaliland iska casillo haddii aanaan….." M. J. Abgaal
Maxamed Cumar, ( Harowo.com) = Boorama, Ogoost 8– Qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer Boorama ayaa durba jawaab ka bixiyey sida ay u arkaan iskudhaandhayntii shalay Madaxweynuhu ku sameeyey golihiisa wasiirada, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulada sare ee wasaaradaha qaarkood iyadoo dhinaca kalena qaar ka tirsan dadweynuhu dareemo kale ka muujiyeen arrintan.
Siyaasiyiinta ugu horreeyey inay isku shaandhayantaasi dareenkooda ka muujiyaan ayaa waxa ugu horreeyey Maxamed Jaamac Abgaal, kana tirsan golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana ka tirsanaa musharraxiintii xisbigaasi ee u tartamayey doorashooyinkii baarlamaanka cusub.
Maxamed Jaamac Abgaal, oo waraysi kooban siiyey HAROWO ayaa waxu muujiyey inayna iskushaandhayntani ahayn mid looga fadhiyey madaxweynaha, isla markaana danaha dadweynaha gobolka anay waxba ugu fillayn xukuumaddiisu.
Waxa kale oo Maxamed Jaamac dareenkiisa ku sheegay arrimo kale oo loo baahanyahay inay qabato xukuumadda Rayaale iyo ujeeddoyinka wakhtigan uu ugu dhaqaaqay iskushaandhayntan.Isagoo ka hadlaya arrintaasi ayaa maxamed Abgaal ,yidhi
"IN muddo ahba waxa madaxweynaha laga sugayey inuu dawladdisa ku sameeyo isbeddel, waxana isbeddelkaa laga doonayey inuu ku saleeyo xukuumad an tiro badnayn tayona leh, taasaana la sugayey."
"Markaad eegto ma odhan karro guud ahaanba tayo malaha, rag tayo lehna waa laga heli karaa, waxase jirta inay dhinaca tirada kasii badatay .taana waxan u arkaa mid madaxweynuhu ugu diyaargaroobayo doorashada soo socota oo mar kale lagusoo dooran llahaa, wakhtiguna wuu dhawyahay, mar haddii tiradii badatay wakhtiguna dhawyahay ma filayo in xukuumaddisan cusubi wax badan qaban karto."
"Markaan ka hadlo sidaan shakhsi ahaan u dareemayo arrimaha gobolka Awdal iyo xukuumadda rayaale waxay u qabatay, waxad mooddaa in intii Rayaale xukunka hayey dadka gobolkan uu ku riixayo inay soomaalilandba iska casilaan dawladdeeda, markaan eego caddaalada, reer Awdalna madaxweyne ma deeqo ee caddaladbaa deeqda, wuxuna gobolku caddaalad daradaa la qabaa gobolada kale e Soomaaliland."
"Waxan ka werwereegaynaa inaan nidhaa waan iskaga tegeynaa xukuumadda Rayaale haddii aannaan eegeyn dadkii sharafta lahaa , odayadii, waxgaradkii iyo intii caqliga an ku wada dhisannay Soomaaliland ee an isgu tegnay Burco 1991kii, iyo intii an Boorama kaga wada qayb gallay shirkii dibuheshiisiinta beelaha Soomaailand ee 1993dii an ku wada dhisannay xukuumadda soomaaliland."
"Waxanan qaddarinaynaa dadkii ka yimi gobolada kale ee soomaaliland ee an dedaalkaa wada gallay. dawladdana waa mid rayaale ku doonayo inuu wakhtiga doorashada ku xisaabtamo ee maaha mid loogu danaynayo reer awdal iyo reer Soomaaliland. "
Mohamed Omar Sh. Ibrahim–Hyena moshimu@hotmail.com
