August 3, 2006

Saxafiyiin Reer Jabuuti ah oo Xarunta Aljazeera u tagay Tababar

Qatar(Geeska)- Saddex Suxufi oo ka tirsan Saxafiyiinta ka hawl gasha Idaacadda iyo Telefiishanka Dawladda Djibouti ayaa Tababar Saxaafadeed u tagay Xarunta Tababarada ee Telefiishanka Aljazeera oo ku taala Magaalada Dooxa, Wadanka Qatar.

Saddexdan Suxufi oo ah kooxdii u horaysay ee ka socota wadanka Djibouti oo ka qayb gala Tababarada ay fidiso Xarunta Aljazeera, waxa muddada ay halkaas joogaan culayska saari doonaan hababka casriga ah ee loo diyaariyo wararka iyo Warbixintada kala duwan.

Weriye Xuseen Barre (Cabdiraxmaan) oo ka mid ah Saddexdaas Suxufi ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dooha ee Wadanka Qatar Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in tababarkani yahay mid ku saabsan Saxaafada oo culayska la saarayo hababka casriga ah ee diyaarinta wararaka iyo warbixinada kala duwan ee warbaahiinta (tv, radio iyo wargaysyada ).

Waxa uu sheegay inay casharada tababarkan bixinayaan khubaro ku xeel dheer warbaahiinta kuwaas oo wax ka dhiga jaamacadaha Maraykanka iyo Yurub ee lagu barto Saxaafadda iyo suxufiyiin ruug cadaa ah, waxaana uu sheegay in tababarka oo socon doona laba toddobaad ay ka qayb qaadanayaan Saxafiyiin ka kala yimid wadamo kala duwan.

Weriye Xuseen barre isaga oo ka jawaabaya su`aal ku saabsan qiimaha uu tababrkan oo kale u leeyahay suxufiyiinta waxa uu timaamay in xarun kasta oo Warabaahineed oo doonaysa in ay horumar gaadho ay ku dedaasho in ay Wariyayaasheeda ka hawl gala ay had iyo jeer u qabato simanaaro iyo aqoon is waydaarsiyo la isugu gudbinayo xirfadaha shaqada warbaahinta, waxaana uu tusaale u soo qaatay Al jazeera oo ay qaar ka tirsan suxufiyiinteedu ka qayb qaadanayaan tababrkani.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay in isaga iyo suxufiyiinta kale ay halkaasi kala kulmeen soo dhawayn isaga oo uu xusay in dalka Qatar uu wakhtigan ka socdo horomar iyo dhisme baaxad leh gaar ahaan inta uu kobcay suuqa soo saarka Gaasta dabiicgia ah .

Source: Wargeyska Geeska Africa