July 28, 2006

Waraysi: Magaalada BOON Waa Sidee Xaalkeedu ?

Hashim Goth, (Harowo.com), Boorama-28 July-06

Magaalada BOON waxay 40 km dhinaca galbeed ka xigtaa magaalada Boorama, Waxay ka mid tahay magaalooyinkii la degay wakhtigii dagaalkii labaad ka dib, BOON waxay Taariikh ku leedahay soo saaristii nidaamka ISKA WAX U QABSO, waxayna ahayd meeshii ugu horaysay ee laga bilaabo ISKA WAX U QABSO. Magaaladu waxa kale oo ay leedahay Xadaarad iyo Ilbaxnimo soo jireen ah.

Hadaba Waxaan ka waraystay Xaalada magaalada BOON iyo sida ay tahay Abiib Aw Aadan Jaamac oo ka tirsan Maamulka BOON, ugu horayna waxaan waydiiyay sida ay tahay xaalada guud ee ka jirta Deegaanka Boon iyo sida ay yihiin kaabayaasha Adeegyada Bulshada ee ay ka mid yihiin Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Nadaafada ?

Abiib wuxuu ii sheegay in Xaalada guud ay la wadaagaan Gobolka Awdal intiisa kale, Waxa jira ayuu yidhi Abaar dabadheeraatay iyo Xanuuno ku dhacay Xoolaha oo aan garan waynay, isla markaana aanaan helin Dhakhaatiir iyo cid naga Caawisa.

Dhinaca Nabadgelyada ayuu sheegay Abiib in ay tahay Amaan, balse malaha magaalada BOON Saldhig Boolis, Laba Askari oo Boolis ah ayaana jooga Magaalada oo laga soo badalo Boorama bishiiba, kumana fila ilaalinta nabadgelyada, wuxuu sheegay in loo baahan yahay Ciidan Booliis oo deeganka laga qoro.

Dhinaca Biyaha waxay leedahay Ceel biyood u jira magaalada 6km, waxaana iska kaashaday Bulshada deegaanka iyo hayada UNDP sanadihii 1994kii, waxaana magaalada keena Qasabado Biyaha, Waxaan leenahay Laba TAANGI oo mid qaado 200 Foosto ka kalana 150 Foosto, waxana noo sameeyay UNDP iyo UNICEF.

Dadka ku dhaqan deegaanka BOON hoos yimaad oo ah 9 tuulo waxay dhan yihiin ayuu yidhi Abiib Aw Aadan 15 Kun oo qof, waxayna isku jiraan Xoolo dhaqato iyo Beeralay.

Dhanka waxbarashada waxa ku yaal Dugsi Hoose/Dhexe oo la dhisay 1958kii, malaha Dugsi Sare nasiibdarana Ardaydu marka ay dhamaysato Fasalka 8 aad way ka baxaan Iskuulka, intii Awoodaana waxay u soo diraan dhanka magaalada Boorama, waxa dhigta Dugsiga 200 Arday oo  u badan wiilal, gabdhuhu inta badan kuma badna oo waxay wax la qabtaan hooyooyinkood.

Dhanka Caafimaadka waxay leedahay MCH ay caawiso Bisha Cas, malaha Dhakhtar iyo meel Dumarku ku dhalaan, inta badana dadka waxa loo soo qaadaa Cusbataalka Boorama oo aad uga fog, dadka aan awoodina waxay ku hayaan meelaha miyiga ee ka dheer magaalada.

Dhinaca Nabaadguurka ayuu sheegay Abiib in dhib aad iyo aad weyni ka haysato deegaankaas BOON iyo Galbeedka Booramaba geedka la yidhaa TIINKA, TIINKU wuxu keenay Nabaadguur aad u wayn, dhul badan oo la beeran jiray ayaa isaga dartii looga guuray, geedihii xooluhu cuni jirayna meeshii wuu ka dabar jaray oo meesha uu ka baxao TIINKU daaqna malaha geed kale oo dhana wuu engegayaa.

Abiib wuxuu intaas raacshay in magaaladu hada dhismayaal cusub ka socdaan, balse loo baahan yahay in loo sameeyo Nashqadii Magaalonimo oo dariiqyada la bixiyo, marar badan ayaan ka codsanay D/hoose ee Boorama in ay wax nagala qabtaan balse kama hayno wax taageero ah, welise waan daba soconaa waxaanan u baahnayn Cagaf aan ku banayno dariiqyada, weliba kharashka anagaa in iska bixin lahayn.

Xaga Hayadaha caalamiga ah ayuu sheegay in aysan BOON arag Hayad wax u qabanaysa deegaankooda, intaas ayuuna kaga baxay waraysigii.

BOON waa magaalo ku haboon in loo magacaabo Degmonimo, dhawr jeerna waxay dadka deegaanku ka raadiyeen Dawlada dhexe in loo magacaabo degmo, meelo iyada aad uga yar ayaa lagu magaacaa degmo, Boon waxa kale oo ay sugaysaa Dadkeeda ku maqan qurbaha in baahiyaha jira ka soo kaalmeeyaan.

Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com