July 24, 2006
Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga UCID oo beri ka Furmaya Hargeysa
Hashim Goth, Harowo(Hargaysa) Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga cadaalada iyo Daryeelka UCID ayaa Beri si rasmi ah uga furmi doona magaalada hargeysa, Xaruntii guriga shaqaalaha, shirkan oo sida uu sheegay Afhayeenka xisbiga UCID, shantii sanaba hal mar la qabto, waxaa lagaga wada hadli doonaa, qorshaha shanta sano ee socda iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadii ina dhaaftay, shirka waxaa ka soo qayb geli doona Ergooyin iyo xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo ka kala iman doona gobolada Soomaaliland oo dhan.






