July 24, 2006
HINDISAHA SAMEYNTA URURKA ADAL
Hashim Goth, (Harowo.com) = Boorama Qoraalkani wuxuu yahay mid Ururka Cusub ee Adal kaga waramayo sida uu ku Aasaasmay iyo Ujeedada laga leeyahay ururka.
Hindisaha Ururkani wuxuu ka dhashey, kulamo dhexmarey Xildhibaan Ikraam Xaaji Da¡¦uud iyo Qorba-jooga degan wadanka Mareykanka , markii ay socdaalka ku tegtey dalkaasi, kuwaasoo u heelanaa Xogta Horumarineed ee Goboladda Somaliland.
Ka dib, markii labadda dhinac soo gunaanadeen kulamadoodii, waxay gudoonsadeen in loo baahanyahey, lagama maarmaana ay noqotay in la Odorosso ¡§Xudun Dhexe¡¨ oo ku gaar noqota Xidhiidhka Qurba-jooga iyo Horumarinta Goboladda, taas oo Qurba-jooga Reer Awdal gaar ahaan u soo igmadeen Xildhibaan Ikraam Xaaji Da¡¦uud , in ay Abaabusho Bulshadda Reer Awdal kuna Booriso in la sameeyo ¡¥Xudun Dhexe kuna gaar ah Mashaariicdda Horumarinta Gobolka.
Xildhibaan Ikraam Wakhti dheer ayey ku qaadatey gudbintii fariinta ay u siday Goboladda SL, iyadoo u gaadhsiisay Gobol-Gobol. Taasi waxay sababtey inuu dib dhac ku yimaado Abaabulkii gaarka ahaa ee loo soo Igmadey. Waxa kale oo fursad dahaba u noqotoy in Xubno ka tirsan Qurbajooga ka qeyb noqdaan xubnahii Shirweynahii 1aad Ee la qabtey 4/07/006, laguna qabtey ¡§RAYS HOTEL¡¨. Shirweynahaha waxa ka soo qeyb galay tiro dhan todobaatan Xubnood oo ka kooban qaybaha kala duwan ee Bulshadda Reer Awdal.
Shirweynahii Koowaad waxa lagu Go¡¦aamiyey :
- In la abuuro urur ka shaqeeya horumarinta Gobolka Awdal
- Magaca Ururka oo ah ¡§ADAL-Development Organization ..
- Waxa lagu Magacaabey Xubnaha Golaha Dhexe oo dhan 15 Xubnood ( Ururadda
Haweenka., oday-dhaqameed,Salaadiinta,Culimada diinta,Ganacsatadda, Ururadda Dhallinyarada,Aqoonyahanada,Golaha Degaanka,Dadka laga Tiradda-badanyahey.
Saxaafadda iyo Warbaahinta.
Golaha Dhexe waxa loo Xilsaarey Soo diyaarinta Astaanta , Shuruucda Ururka,
Qorshaha Wax-qabadka Ururka IWM.
Ujeedadda Ururka :
- Horumarinta Gobolka, dhinaca Mashaariicadda wax ku oolka ah.
- Isku xidhka Qurbajooga (oo ka qeyb ah Deeq-bixiyayaasha) iyo Horumarinta
Gobolka.
Shirweynahii 1aad ee Golaha Dhexe waxa la qabtay 22/07/006, waxana lagu Qabtey Xarunta AYODA waxana ka soo qayb galey Shirkaasi 11 Xubnood.
Halkaasna waxa lagu doortaay Gudoomiyaha Golaha, gudoomiye ku xigeen iyo Xoghaynta Golaha Dhexe.
Contact : @
00252 2 4472239
00252 2 4457228
002522374299
0025224456257
Email: Adal-Org@hotmail.com

