July 20, 2006
FAO Oo Ku Guuleysatay Cilmi-Baadhis Ay Ka Waday Hargeysa Iyo Awdal
Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland, Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa sheegay in hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha (FAO) ay ku guulaysatay hirgelinta mashruuc cilmi-baadhis iyo xog-ururin ku saabsan degaanka looguna magac-daray ‘SWALIN,’ oo ay muddo laba bilood ah ka waday gobollada Hargeysa iyo Awdal.
Wasiirku waxa uu hadalkan ka sheegay xaflad loo sameeyey xidhitaanka mashruuca SWALIN, oo shalay lagu qabtay hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin sare oo socotay xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha samofalka caalamiga ah.
Md. Dhoolayare, waxa uu sheegay in mashruuca xog-ururinta degaanku uu yahay kii horreeyey ee Somaliland laga fuliyo, isaga oo tilmaamay in ay hay’adda FAO iyo xubno dhinaca xukuumadda ka socday ay waqti gaaban ku soo ururiyeen xogo muhiim ah oo wax weyn ka tari doona qorshaha degaaneed ee dalka.
Waxaanu ka codsaday in hay’adda FAO ay mashruucan oo kale ka fuliyaan gobollada kale ee Somaliland, "Si loo helo," ayuu yidhi; "macluumaad ballaadhan oo la xidhiidha ciidda, biyaha, dhirta iyo nabaad-guurka." Wasiirku waxa kale oo uu xusay in hay’adda FAO tahay markii u horreysay ee si rasmi ah ay Somaliland u soo degto ay mashaariic badan ka fulin doonto dalka.
Ugu dambayn, Md. Aadan Axmed Cilmi, waxa uu shahaado-sharafyo guddoonsiiyey xubnihii ka qayb-qaatay fulintan mashruucan, oo uu ku tilmaamay in ay dedaal iyo hagar la’aan ku wadeen hawsha, waxaanu si gaar ah ugu mahad-naqay hawl-wadeen ka tirsan haayada FAO oo la yidhaahdo Maxamed Jaamac.
Mr. Zoltan Balint, Madaxa Mashruuca SWALIN, oo isna hadal kooban halkaa ka jeediyey, ayaa ku tilmaamay in mashruucani yahay mid qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland, isla markaana ah mid aad loogu baahnaa. Mr, Zoltan, waxa kale oo uu mahad-naqay masuuliyiinta iyo hawl-wadaynada Wasaaradaha Beeraha, Horamarinta Deegaanka iyo Macdanta iyo Biyaha, oo uu sheegay in ay kaalin laxaad leh ka qaateen hirgelinta mashruucan.







