July 12, 2006
Maamulka Cusub Ee Boorama OO Qaaday Tallaabadii Ugu Horreysay Ee JIddad Loogu Banaynayo Xaafado Ka Tirsan Magaaladda.
Maxamed Cumar-Hyena (Harowo.com), Boorama–July 13–Maamulka cusub ee magaalada Boorama oo u horkacayo duqa cusub ee magaaladu Cabdi shide Bile, islamarkaana ay la socdaan kuxigeenkiisa Muumin Gadiid, xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo shaqaalaha dawladda hoose laamaheeda dhulku ayaa saaka bilaabay inay jidad ay gaadiidka iyo dadku u maraan qaybo ka tirsan magaalada Boorama.
Hawshan oo ahayd mid tijaabo ah isla markaana lagu fulinayey codsi ka yimi dadweynaha, ayaa lagu baneeyey waddo ku dhaw hal kiiloomitir, kaddib marki la jaray dhir ku xidhnayd, lana burburiyey saysas guryo bilow ahaa.
Hawshan oo ka dhcday xaafad lagu magacaabo sheeddheer ee koonfurta magaalada, ayaan lagala kulmin wax carqalad ah oo shaqaalaha ka joojiya hawshaasi maadaama dadweynaha xaafaddaasi u baahnaayeen meel ay u maraan adeegyada ay uga baahdaan suuqa iyo goobaha caafimaadka iyo waxbarashada.
Sida uu sheegay guuddoomiyaha cusub ee golaha deegaanka Boorama Cabdi shide, waxa codsiga dadweynaha xaafaddani dawladda Hoose ee Boorama u yaallay isagoo qoraal ahaa muddo ka badan laba sannadood iyo badh, balse anay marnaba dadkaasi helin jid ay maraan, sababtoo ahayd ayuu yidhi iyadoo aanu maamulkii hore ee magaaladu xil iska saarin wax ka qabshada dhibaatada haysata dadweynaha xaafaddaasi.
Isla markaana ay jireen carqalado ka imanayey farsamoyaqaanada dawladda Hoose qaarkood oo iyadoo dhinaca kalena ay jireen dad fara kutiris ah oo an doonayn in hawshaasi la galo, maadaama ay goobtaasi ka doonayeen dhul ay sharcidarro ku dhistaan.
Hawshan maanta oo ku dhammaatay si nabadgelyo ah isla markaana lasii wadi doono codsiyada kale ee shicibku ku doonayaan jidad ay u maraan magaalada inteeda kale, ayaa waxa uu digniin u jeediyey dadka ay jidadka u yaallan waxyaalaha guryaha lagu dhiso sida dhagaxa, nuuradda, oodda iyo hadhaaga waxyaalahaasi ee an weli laga qaadan jidadku inay la kulmi doonaan ciqaab adag haddii ay alaabtaasi dhismaha jidadka kaga qaadan waayaan wakhti kooban oo loo cayimi doono.
Maayarka Magaalada Boorama Cabdi Shide Bile iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka degmada Boorama
Mohamed Omar Sh. Ibrahim (Hyena) moshimu@hotmail.com

