July 11, 2006

Maxaa lagu Xasuustaa Sheekh Muuse Jaamac Goodaad

Harowo.com = BOORAMA, 9–July. Maanta oo ku beegnayd Sanad guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay dhimashadii Marxuum Sh. Muuse Jaamac Goodaad, ayaa si weyn looga xusay magaalada Boorama, Marxuumku wuxuu ahaa nin Miisaan ku leh Soomaaliland, si aad ahna looga yaqaan, isla markaana waxyaabo badan lagu xasuusto.

Hadaba Waxyaabaha lagu Xasuusto waxaa Maqaal ka diyaarshay uu ugu talo galay Saxaafada X. C/naasir Muxumed Xasan oo si aad ah u hayay Taariikhda Sheekha waa kan sida uu uga waramayo X. C/naasir.

Sh. Muuse Jaamac Goodaad wuxuu ahaa nin ilaahay isku daray dadnimo iyo Diin labadaba, wuxuuna ahaa shaqsi Nasiib badan, oo haybadi la socoto isla markaana geesi ah, waxaa Xasuusaha marxuumka ugu waawaynaa Shirarkii nabadaynta ee beelaha Soomaaliland, iyo Shirarkii dhidibada loogu taagayay Dawlada Soomaaliland, Shirarkaas oo ka dhacay meelaha ay ka midka yihiin Burco, Boorama, Hargeysa iyo Berbera. shirarkaas wuxuu ka soo qaatay kaalin libaax.

Alaha u naxariistee Sh,Muuse wuxuu ahaa shaqsi meesha uu joogo ka muuqda, isla markaana lagu Ixtiraamo, Sheekhu wuxuu ahaa Tiirashii Soomaaliland, waxaana xusi doona taariikhda Soomaaliland oo uu kaga jiro kaalin weyn. Wuxuu ahaa nin mar walba la xasuusan karo marka khilaaf jiro ee xalka loo baahdo. waxaana lagu xasuusan karaa Hormoodnimadii uu ka ahaa dhiskii Soomaaliland.

Maaha mid Sheekha lagu soo koobi karo inyar, balse waa mid u baahan in Buug laga soo saaro. Marxuum Sh, Muuse Jaamac Ilaahay Janadii Fardawsa ha ka Waraabsho khayr wixii uu lahaana ilaahay ha ka Abaal mariyo.. Aaaaaaaammmiiiiiiiiin

Wa Bilaahi Tawfiiq:   X. C/naasir Muxumed Xasan/ Boorama