July 9, 2006
INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

Anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda Somaliland ee Wales, magaca reer Carwo, iyo kan xaaskeyga, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelka iyo ubadka uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee HAJI CABDI CAWAD CALI INDHO-DEERO oo aha ganacsade caan ah , iyo oday qaran ,kuna geeriyooday oo lagu aasay magaala Burco, Alle HA U NAXARIISTEE.
Waxaan xusuustaa Alle ha u naxariistee anigoo yar oo la shaqeeya aabahay, Xanan Carwo oo ay aad saaxiib u ahaayeen, isagoo badeecad dhar u badan u qaada dhinaca Burco iyo bariga Somaliland, gaar ahaan Macawisaha 80×80 iyo goyaasha loo yaqaanay Laan-mulaaxo.Waxuu ahaa nin hawlkar ah, daacad ah, muruqmaal xalaal quute ah Illaahayna u barakeeyey ganacsiga.Waxuu gacan qabtay dad badan oo uu taakuliyey. Xaajiga waxaan anigoon muddo arag sideedanaadkii kula kulmay Jabuuti, waxuuna si kalgacal iyo xishmad mudan iigu dhoweeyey uuna iigu sooryeeyey, isagoo sheekooyin badan oo isaga iyo aabahay dhexmartay iiga sheekeeyey, qaarna aan goob joog u ahaa.
.
HAJI CABDI waxuu ahaa nin cibaado badan, waxtar ah, oo si taariikhi ah uga qayb qaatay halgankii SNM. Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla jannatul- fardoos.Aamiin.
Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa dadweynaha reer Somaliland si gaar ah ganacsatada iyo shaqaalaha xaajigu ka dhintay , ehelkiisa kale, qaraabadiisa,xigtadiisa,asxaabtiisa meel kasta oy joogaanba, si gaar ah tafiirtiisa, iyo walaalahii meel kasta ooy joogaanba.Waxaan dhammaan leeyahay Samir iyo Iimaan.
Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland ee Wales,
Cardiff
ahmed_arwo@yahoo.co.uk








