July 5, 2006
Wargeska G/Africa oo Waraysi la Yeeshay G/Baarlamanka Jabuuti
Jibouti(Geeska Africa)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idris Arna’oud Ali, ayaa Waraysi khaas ah oo uu siiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu kaga waramay dhinacyo badan oo ay ka mid tahay mawqifka dawladda Jabuuti ee qaddiyadda Madaxbanaanida iyo aayo ka tashiga Somaliland iyo arrimo kale.
Waraysigaas oo uu Guddoomiyaha kula yeeshay Magaalada Jabuuti Maxamed-Rambo, oo ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika oo wadankaas hawlo shaqo u tagay, waxa kale oo uu kaga waramay tirada xubnaha Baarlamaanka Jabuuti iyo xidhiidhka ay la leeyihiin Baarlamaanada dunida iyo midka Afrika.
Ugu horayn Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ugu horayn la weydiiyay bal hadda tirada Mudanayaasha Baarlamaanka Jabuuti, waxa uu yidhi, “Annagu[Jabuuti] wadan yar ayaan nahay, tirada Baarlamaankayaguna waa 65 xubnood. Waxaana dumar ah 10%.”
Guddoomiyaha oo la weydiiyay bal hadda sida uu yahay xidhiidhka Baarlamaanka Jabuuti la leeyahay Baarlamaanada kala duwan ee dunida, waxa uu sheegay inuu jiro xidhiidho badan oo Baarlamaankoodu la leeyahay Baarlamaanada dunida, isaga oo sheegay inay ka qayb galleen shirkii Baarlamaanada dunida ee sannadkii 2000-ka dhacay magaalada New York, “Xilligaas[2000] waxa la nagu yidhi Baarlamaanka Jabuuti dumar kuma jiraan, dabadeedna sannadkii 2005-tii ayaanu tagnay iyada oo Baarlamaanka Jabuuti 10% dumar yihiin” ayuu yidhi Guddoomiye Arna’oud .
Guddoomiye Idris Arna’oud oo la weydiiyay bal hadda inuu jiro xidhiidh Baarlamaanka Jabuuti la leeyahay Baarlamaanka Somaliland waxa uu ku jawaabay, “Baarlamaanka Somaliland xidhiidh sidaas ah lama lihin, laakiin xubno Baarlamaanka Somaliland ka tirsan waanu kulanay.
Wadankaasi[Somaliland] waa wadan aanu walaalo nahay. Dhinaca gooni u goosashada waxaanu annagu [Jabuuti] diidanahay dambi hadhow na qabsada oo la yidhaahdo Jabuuti Soomaaliya ayay kala googoysay. Annagu waxaanu jecelnahay Soomaaliya inay mid noqoto, laakiin taasi waxay u talaa shacbiga.
Dunida ayaa hadda isu ururaysa oo midoobaysa, markaas Afrikana waa inay isu tagto oo ay wax wada qabsadaan” Guddoomiye Idris, oo la weydiiyay bal hadda xubnaha Baarlamaanka Somaliland ee uu la kulmay iyo waxa ay ka wada hadleen waxa uu yidhi, “Waxaanu kulanay xubno ka tirsan Guurtida Somaliland sida Xaaji Cabdi-Waraabe, waxaanan ka wada hadalnay sii xoojinta xidhiidhka iyo in dadku isu furnaado.
Cabdi-Waraabe, waxa uu nagu yidhi ‘Dunidii meel kasta oo aanu marno xiitaa Maraykanka waxa lanagu yidhaahdaa Jabuuti maxay idin tidhi oo wadan kastaa idinkay idin eegayaan’ Markaas annaguna waxaanu ku nidhi Jabuuti dambi ayay ku noqonaysaa in Soomaaliya kala googayso.”
Guddoomiyaha oo la weydiiyay bal hadda sababta Jabuuti uga cabsoonayso dambi uga yimaada inay aqoonsadaan go’aanka aayo ka tashi ee shacbiga Somaliland waxa uu yidhi, “Goosashadu iyagay [Somaliland] u taalaa inay go’ayaan iyo in kale, laakiin annagu inay go’aan kuma caawin karno oo dambi ayay nagu noqonaysaa. Laakiin dhinaca dhaqaalaha inaanu iska caawino oo dadku isu furnaado waxba kama qabno."
Waxa fiican in labada dhinac [Jabuuti iyo Somaliland] iska kaashadaan la dagaalanka Kootarabaanka, waana in wada jir loola dagaalamaa, waayo midna uma fiicna Kootarabaanku”
Ugu dambayn guddoomiye Idris Arna’oud waxa uu Baarlamaanka Somaliland u soo jeediyay inay aad uga shaqeeyaan xoojinta nabadgelyada.
Source: Wargeyska Geeska Afrika







