July 4, 2006

TAAGEERO URURKA ADAL EE BOORAME, (Colombus Ohio USA)

7/4/2006

Anigoo ah dhamaan jaaliyada reer Awdal ee dagan magaalada Columbus, gobalaka Ohio ee dalka Maraykanka. Waxaan si wayn u ayidsanahay uguna farxsanahay shirkii qaayaha lahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Boorame kaasoo lagu dhisayay urur ka shaqayn doona horomarinta iyo wax kaqabaka gobalka Awdal.

Waxaan si gaar ah ugu mahad celinaynaa Xidhibaan Ikraan Xaaji Dauud oo si run ah u fuliysay arimihii ay ka wada hadleen qurbajooga reer Awdal ee dalka Maraykanka.
Waxaa kale oo mahad leh shacbiga reer Awdal ee suurta galiyay in uu qabsoomo shirkaasi. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa dadaalkaa iyo nayadsamida ay muujiyeen in ay noqdaan kuwa mudha dhala.

Waxaan kale oo aan guubaabo u jeedinaynaa dhamaan qurbajooga reer Awdal meel kasta ay joogaan in ay taageero buuxda siiyaan ururkan cusub ee u xamaan qaatay horamarinta iyo mustaqbalka Awdal. Waxaan sidoo kale ka codsanaynaa maamulka gobalka Awdal in ay taageero buuxda iyo wada shaqayn u fidiyaan ururkan.

Waxaan kale oo aan ka codsanaynaa dadka xilka qaaday ururkan in ay si daacad ah hawshooda u fuliyaan, isla markaana si degdeg ah u bilaabaan sida xidhiidh ay ula samay lahaayeen qurbajooga reer Awdal iyo dadwaynaha gudaha ku nool. Waxaan codsanaynaa in aan helo noqolda ururku ku shaqaynayo iyo ahdaafta loo abuuray urukan.

Wa Bilaahi Tawfiiq iyo Hawl Wacan

Mohamed Omar Derie

Mahdi O. Qadi

Nagala Soo Xdhiidh  mahdiqadi@hotmail.com