July 4, 2006
Gudoomiyihii Maxkamada Sare oo Xilkii laga qaaday
Hashim Goth, Harowo Reporter = BOORAMA, 4 July M/weynaha Jamhuuriyada Soomaaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Maxkamada Sare Faysal Xaji Jaamac, warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada ayaa lagu sheegay in xilka looga fadhiisiyay gudoomiyaha sababo caafimaad. markii la ogaaday in aanu wadi karin xilka ayaa laga qaaday xilkii.
Sida warsaxaafadeedku sheegay waxa xilka sii hayn doona K/xigeenkiisii Mudane Maxamuud Xirsi, inta xilka cid kale u soo magacaabayo m/weynuhu.
Xil ka qaadista ayaa loo gudbin doonaa laba gole ee Baarlamaanka iyo Guurtida sida Dastuurku dhigaayo.
Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com








