July 3, 2006

Wadamo Igad iyo Jaamicadda Carabta ah oo ishortaagay socdaalkii madaxweyne Riyaale ee shirkii Gaambiya.

Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin oo la filayay inuu safar ugu baxo shalay magaalada Banjul ee xarunta dalka Gaambiya, Galbeedka Afrika, si uu uga qayb galo shir maanta uga furmaya hogaamiyayaasha wadamada Midowga Afrika ayaa baaqday ka dib markii sida la sheegay muran ka dhashay ogolaanshaha in lagu marti qaado inuu ka soo qayb galo shirkaa Madaxweyne Rayaale.

Warkan oo aan si rasmiya daboolka looga qaadin waxay warar lagu kalsoon yahay tibaaxeen in Madaxweyne Rayaale oo hore wadamo ku yaala koonfurta iyo bariga
qaarada Afrika taageero uga helay inuu ka qayb gelo kulanka madaxda midowga Afrika ay si toosa isu hortaageen wadamo ay ka mid yihiin Masar iyo Suudaan, kuwaas oo la sheegay inay ku hanjabeen inay qaadacayaan ka qayb galka kulanka Banjul haddii uu ka qayb galo madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in dawlada Masar qoraal ay u dirtay gudoomiyaha AU-da Yahya Jamme oo ah Madaxweynaha Gaambiya ku cadaysay mawqifkeeda ay kaga soo horjeedo ka qayb galka shirka ee Madaxweynaha Somaliland, kaasoo la sheegay inuu ka dhex abuuray muran iyo cadho madaxda midowga Afrika ayaa ugu dambeyntii lagu dhammeeyay in dib loo dhigo xiligan ka soo qayb galka Madaxweynaha Somaliland.