July 3, 2006
Aragtida Dadweynaha: Jawaab ku socota Hussein Dahir Obsiye, Ma Badhasaabka Awdalbaa Afhayeen ka dhigtay?
Gudoomiyaha Kulmiye ee G/Awdal Aaden X. Muxumed Aye iyo Xildhibaan(Kayd) Ibraahim Aaden Qaalib.
Waxaan ka mid ahay Akhristayaasha Websitekan Harowo iyo kuwo kale oo badan, waxaan la yaabay markaan arkay nin dhaliilaya Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Awdal. Waxa uu ku dhaliilayaana ay tahay maxaad u wax uga sheegtay Ina Adeerkaa(Badhasaabka) oo aad isku qolo tihiin. Harowo.com aad ayay u mahadsan yihiin bandhiga fikirka noocyadiisa kala duwan.
Hussein Jawaabtan Miisaanka leh wax ku qaado adiga iyo kuwa kula fikirka ah, marka hore dadka reer Awdal waa isku wada reer, waana isku wada dan, qofna ma caayo qof kale, waxaan u haystay in Aqoonyahanku ka koray Qabyaalada oo uu horumar soo wado, ilaynse waxa jira qaar reer miyagaba ka sii liita, xuseen waxaan u sheegayaa Gudoomiyaha Kulmiye Aaden X,Muxumed waa Masuul Xisbi Qaran oo Dastuurku ogol yahay, wuxuu shacabka ka eegayaa ama tusayaa khaayinimada ama musqmaasuqa ay samaynayaan kuwa xilka u haya ee uu u horeeyo Badhasaabku.
Weli xuseenow Iskuulka aan dhigto ma soo booqan Badhasaabka Awdal, maalin m/weyne joogo ama wefti kale yimaad uunbaa la arkaa isaga oo horboodaya, Aadana wuxuu ka hadlay waa xaqiiq, weliba waxbaa ka dhiman oo uu ka tegay, xuseenoow markaan ku waraystay waxaa la ii sheegay in aad sidaas ku noolayd Maraykan, miyaanay waxba kuu kordhin waayo aragnimo iyo dadka dhulkaas ku dhaqan siday u shaqaystaan.
Waxaanad ogayn in dhalinyarta reer Awdal markii ay waayeen cid u damqata oo danahooda ka shaqaysa oo mutacalim ah in ay badaha iyo tahriib dheer u galaan wadamada Yurubta.
M/weyne, wasiir, Xildhibaan, Badhasaab iyo Gudoomiye Degmo midna ma oga xaalka ay ku sugan yihiiin iyo mustaqbalka dhalinyarta G/Awdal, meelaha kale waxaa loo sameeyaa ururo markaasaa lagu xidhaa Hayadaha Caalamiga ah, waxaasna waxa u wada Madaxdooda. Cida noo hadasha sida Asxaabta mucaaradka ah ma adaa u jawaabaya Xuseenoow, halkii uu Jawaabta bixin lahaa ka la dhaliilayaa.
Hadaba ma adaa ah Badhasaabka Awdal ? aan kuu sheegee wax lagama sheegayo shaqsiyadiisa Badhasaabka, Markaan Akhriyay Warka uu sheegay Aaden X. Muxumed Gudoomiya Kulmiye ee Awdal, wuxuuse wax ka sheegay Masuuliyada uu dadka u hayo ee loo dhiibay SIDA UU DAYACAY ee uu u mooday Tukaan uu leeyahay.
Ka ku ilaalinayaana waa mid aan waxba ogayn, ka la tuuray ee degmaduna mid curyaanshay ayuu ahaa Boorama, Maxamuud Cirona ma tuurin Mayarka ee Golaha Deegaanka Boorama ayaa xilka ka qaaday. Hadii uu ilaalin karana wuxuu ku xajin lahaa kursiga ee golaha ayuu kari waayay. Hadaba Xuseenow dadkaaga iyo dalkaaga ka warhay, malaha madaxda la difaaco waxbaa laga helaa.
Xasan Cali Wabari, Awdal Boorama







