July 2, 2006
Dhakhaatiir Qaliino Guud ka wada Cusbataalka Boorama
Hashim Goth, Harowo Reporter = BOORAMA, 2 July. Koox dhakhaatiir ah ayaa shalay soo gaadhay magaalada Boorama, dhakhaatiirtan oo ka kooban laba dhakhtar oo qaliin ah iyo laba kalkaaliye, waxay shalayba ka bilaabeen qaliino cusbataalka guud ee Boorama, shalay waxay qaliin ku sameeyeen ilaa 5 qof, dhakhaatiirta ayaa ka yimid dhinaca Kenya, waxayna ka socdaan hayad samafal oo Maraykan ah.
Agaasimaha Cusbataalka Boorama Dr.Ismaaciil X.Muxumed Aye ayaa hore ugu sii sheegay dadweynaha Soomaliland iyo Gobolada la Jaarka ahba in ay imanayaan dhakhaatiir samayn doona Qaliinada Guud, dadka sugayay ee ka kala yimid gobolada Soomaalidu degto ayaa aad u badnaa, waxayna joogi doonaan mudo hal Usbuuc ah Dhakhaatiirtani.
Dhakhaatiirta ayaa waxa la shaqayna Ardayda wax ka barata Jaamacada Caafimaadka ee Camuud, Cusbataalka boorama ayaa isna sameeyay u diyaar garaw dadka bukaanka ah iyo soo dhaweyn dhakhaatiirta iyo dadka martid ah iskugu jira.
Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com






