June 30, 2006

Gudoomiyaha G/Awdal: By Hussein Dahir Obsiye

By Hussein Dahir Obsiye

Ereyada ka soo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee G/Awdal Mr. Aden X. Muxumad uu ku eedaynayey Gudoomiyaha G/Awdal ma haboonayn waqtigan issaga ah. Sobobtoo ah Gudoomiyaha Gobolku wuxuu hadda bedalay Gudoomiyihii Golaha Deegaanka oo aad u xoog badnaa, markaa uma baahna in carqalada kale loo abuuro.

Markaan Hargeysa joogay, rag aan wada qayilli jirnay oon aad u kaftami jirnay ayaa waxay odhan jireen “Markaan qof Jibril Yonis ah rabno inaan wax ka sheegno, mid kale uu Jibril Yonis ah uun baan Waxaan rabno ka buuxinnaa. Kaa suunbaa meel walba gadhsiiya isagoon ogeyn ujeedada ka dambaysa.” Arrinka Aden ku kacay kaftankaas bay run ka dhigaysaa.

Cambaarayntani waxay ku haboonayd Gudoomiyihi hore ee Deegaanka iyo tollkii, laakiin afka Aden inay waqtigan ka soo baxdo maa hayn. Aden haddii uu cabasho qabo inuu hore u sheego ama dib u yar dhigtay ahayd.Waxaan rumaysahay in Gudoomiyaha G/Awdal Maxamuud Cirro shaqadiisii khatar geliyey kuna khamaaray xidhiidhkuu lalaha Madaxweynaha, si uu u fuliyo rabitaanka Golaha Deegaanka.

Marka, “Habra wadaag Aden, waad khaldantay. Ceebteedana waxa iskaleh baha Xansascad ee inna dhawr. Mise’ bahdii yarayd baad tahay.”