June 28, 2006

Xukun Xumada ku Habsatay Awdal ” Badhasaabka ayaa u Horeeya !

Hashim Goth, Harowo Reporter= BOORAMA, 28 Jun. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Kulmiye ee G/Awdal Mr.Aaden X.Muxumed ayaa shir Balaadhan ugu qabtay Maamulka Xisbiga iyo Taageerayaasha Kulmiye, Aaden wuxuu uga waramay xaalka uu dalku marayo guud ahaan gaar ahaana G/Awdal.

Gudomiye Aaden X.  Muxumed wuxuu aad u dhaliilay Badhasaabka Awdal, kaas oo u ku tilmaamay mid kursiga lagu ilaalinayo, isla markaana Bulshada ku dhaqan Awdal ku kala soocay Afkaarta Siyaasiga ah ee Dastuurku ogol yahay.

Badhasaabku wuxuu curyaamiyay Laamihii Dawliga ahaa ee jiray, ma arkaysid isaga oo shir u qabanaya Iskuduwayaasha Wasaaradaha ee G/Awdal, si ay uga wada tashadaan waxqabadka iyo horumarinta G/Awdal.

Aaden wuxuu intaas ku daray in Haddii laga soo gaadhi waayo Badhasaabka G/Awdal, in uu gobolku ka hadhi doono Horumarka ay gaadheen gobolada kale ee dalku, taasna waxaan ku dhaliilaynaa meesha sare ee uu ka haysto gacanta. Xukunkii dhawaa ee Golaha Deegaanka ayuu khalkhal geliyay isaga oo difaacanaya Kursigiisa.

Xukun xumada ka jirta Awdal waxaa hormood ka ah Badhasaabka oo aan ogayn sidii uu sheegay Wasiirka Dib u dejintu meel uu marayo iyo wax ka jira Gobolka uu xukumo ee Awdal.

 Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com