June 20, 2006
Tafatirihii Wargeyska Jamhuuriya oo La Damiinay
Tifaftiraha Wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cabdi Curad ayaa Damiin lagu sii daayay, Berina waxaa la filayaa in maxkam la horkeeno, ka dib markii ay Maalintii Axadii xabsiga u taxaabeen Ciidanka bilaysku.
Xadhiga Tifaftiraha ayaa ka danbeeyey amar uu soo saaray Xeer ilaalaha guud ee Qaranka isagoo ku eedeeyey maqaalo ku soo baxay Wargeyska uu Madaxda ka yahay oo farax Xukuumada.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa cambaareeyey xadhiga tifaftiraha, waxaanay ku tilmaameen in loo maray sifo baal marsan xeerka Saxaafada.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha Ururka SOLJA Mustafe Shiine Isagoo dhamaystiran wuxuu u dhignaa sidan:-
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cambaareynayaa xadhiga sharci darada ah ee lagula kacay tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya, iyadoo aanu sharciga saxaafada ee dalkan Somaliland ee ay soo ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka.
isla markaasina uu saxeexay Madaxweynaha Dalkan Mudane Daahir Rayaale Kaahin aanay meelna kagadhignayn in xadhig lagula kaco weriye ama Tifaftire ka hawl gala warbaahinta kala duwan.
Sdiaa daraadeed waxa ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA uu cambaareynayaa awooda loo adeegsaday xadhiga saxafiga , iyada oo waxa lagu eedaynayo ay tahay oo kaliya Maqaal ku soo baxay wargeyska uu Madaxda ka yahay.
Waxa ururka SOLJA uu u soo jeedinayaa cid kasta oo ku lug leh xadhiga Tifaftiraha in ay faraha ka laabato, si deg deg ahna xorriyadiisii loogu soo celiyo tifaftirayaashaasi.
Ugu danbayn waxa aanu u soo jeedinaynaa hay’adaha sharciga ee dalku inay marka hore iyagu dhawraan sharciga dalka u yaal oo ay iska iloobaan ku xad gudubka shuruucda dalka, sida sharciga saxaafada dalkan oo damaanad qaadaya xorriyada hadalka iyo saxaafaduba’’.
Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com






