June 11, 2006

G/xigeenkii Xisbiga UDUB ee G/Awdal iyo Cheif Caaqil Jeelka Boorama lagu xidhay

Hashim Goth, Harowo(Borama) Gudida Nabadgelyada ee G/Awdal ayaa maanta jeelka Boorama ku xidhay, G/Xigeenka Xisbiga UDUB ee G/Awdal Barkhad Cumar X. Khayre iyo Cheif Caaqil Sulaymaan Cali Kaahiye, Sababta loo xidhay ayaa lagu tilmaamay in ay tahay Abaabul dagaal iyo iska horkeen laba Beelood.

Balse sida ay tilmaamayaan warar ku dhawdhaw xaga maamulka ayaa sheegaya in Saaka subax loo keenay war sheegaya in isku dhac laba dhinac oo dhul isku haystay jiro, balse markii ay tegeen madaxdii Gobolku waxay waayeen Ciidankii labada dhinac iyo wax dhaqdhaqaaq ah oo ka jira meeshaas, sidaas waxa xaqiijay dadkii goobtaas joogay markii masuuliyiintu tegeen.

Muaranka dhulkaas ayaa wuxuu u dhexeeyay Barkhad Cumar iyo Nin Cheif Saleebaan Cali Caaqil u yahay.

Markaas ka dib waxa shir degdeg ah galay gudada Nabadgelyada oo xukuntay in jeelka loo diro labada Oday, taas oo u muuqata mid lagu degdegay oo masuuliyad u baahnayd iyo in laga baaraandego. Labada Oday ayaa ah kuwo Magac ku leh Bulshada Awdal dhexdeeda, sifaha loo xidhayna waxay tahay mid wado khalad ah haysata oo aan waafaq sanayn sharciga iyo Qawaaniinta u yaal Soomaaliland.

Marar badan ayay dhacdaa in Gudiyada Nabadgelyadu sameeyaan Xukumo meel ka dhac ku ah Xuquuqda Shaqsiga ah, taas oo dad badani kaga Cawdaan sharci darada Gudiyada Nabadgelyada ee samaysan,isla markaana daskuurka meel ay kaga yaalaan aysan jirin Gudiyadan Nabadgelyadu.

Qaabka loo ogol yahay in la maro marka qof laga qaadayo Xoriyada ayaa ah, in lagu soo eedeeyo dambiga uu qofku faraha kula jiray, ka dibna waxaa loo gudbiyaa Maxkamad taas oo qofka ku xukunta Dambiga ama ku wayda.

Gudiyada Nabadgelyada xukunkooda ayaa ah mid ay caadaysteen madaxda Dawladu, isla markaana ah meel ka dhac weyn oo lagu samaynayo xuquuqda Qofka Aadmiga ah.

Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com