May 23, 2006

Warbixin: Dareenka Dadka Reer Boorama iyo Muddo-kordhinta Guurtida

Jamhuuriya Online   

Boorame(Jam)-C/raxmaan M. Habane, Weriyaha Jamhuuriya ee Boorama
Tan iyo markii ay si lama-filaan ah u soo baxday korodhsiimada afarta sano ee Golaha Guurtida, waxa ka bilowday goobaha bulshadu ku kulanto iyo masraxa siyaasadeed ee magaalada Boorama doodo gundhigooddu daaran yahay sharci ahaanta go’aankii

badheedhaha ahaa ee xukuumadda, talo-bixintii Maxkamadda Sare iyo isku kordhintii fartaagga ahayd ee Golaha Guurtida, oo noqotay mid sida fallaadha loogu soo dhex tuuray bulshada war moogga ah. Taas oo ah mid uu dareenkeeda iyo ka hadalkeedu si guud u saameeyay bulsho-waynta Somaliland oo ay reer Boorama-na ka midka yihiin.

Haddaba, waxaan halkan ku eegi doonaa rayiga iyo dareenadii ay bulshada reer Boorama ka bixiyeen muddo-kordhinta Golaha Guurtida oo si wayn loogu kala aaraah duwan yahay.

Marka aynu soo qaadno bulshada ku uuman Boorama iyo guud ahaan Gobolka Awdal, waxa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaysa in gobolku yahay ka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Madaxwaynaha hadda ee Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin.                     

Waxa laga yaabaa inaad qaadato sawir ah in go’aanka korodhsiimada Guurtida laga soo dhawaynayo Boorama iyo Awdal-ba, arrintaana dabcan sibay wax uga jiraan oo reer Boorama waxay jecel yihiin gar iyo gardaraba inay ku taageeraan madaxwaynahooda.

Haddana, dhinac kale markaan ka eegno sawirkaa lama wada qaadan karo oo tan iyo aasaaskii nidaamka axsaabta badan waxa abuurmay bulsho xooggan oo aan iyagu la dhacsanayn qaabka hoggaamineed ee Madaxwayne Rayaale, isla markaana xukuumaddiisa u arka mid tayo daran, oo nusqaan ka ah awooddii hoggaamineed, kuna tumada sharciga iyo dastuurka dalka u yaal.

Bilowgii go’aanka muddo-kordhinta muddo-kordhinta Golaha Guurtida koox Salaadiin iyo cuqaal reer Awdal ah ayaa muujiyay dareen ay ku taageereen korodhsiimada Guurtida, kuwaas oo sheegay inay u arkaan mid sharci ah, marka la qiimeeyo xaaladda dalku ku jiro.

Balse go’aanka taageerada ah ee madax-dhaqameedyadu ma noqon mid bulshada wada qanciya, waxaana markiiba ka daba qaatay labada guddoomiye gobol ee xisbiyada mucaaridka ah [KULMIYE iyo UCID], Aadan X. Muxumed iyo Shiine-dheere, oo ku tilmaamay in aan la aqbali karin tallaabada uu Madaxwayne Rayaale muddada ugu kordhiyay Golaha Guurtida, arrintaasna ay u arkaan mid xaaraan ah oo sharciga baalmarsan.

“Waxaynu joognaa wakhti aanay innagu habboonayn inaynu dhagaysano beenta iyo sharci-jabinta xukuumadda, waayo maanta waxay la timi sharci-jabintii ugu waynayd oo Madaxwaynihii dalka ayaa inta uu waraaq yar iska soo qortay, maxkamaddiina [Maxkamadda Sare] ka soo sexeexday ina leh afar sano ayaan u kordhiyay Guurtida. Waa yaab qodobadda

loo cuskaday. Midda kale, sharcigii lagu soo dooranayay Guurtidu Golaha Wakiilada ayuu horyaala, wakhtina ma dhowa, markaa Madaxwaynaha waxaanu u soo jeedinaynaa inuu ka noqdo tallaabada uu ku dhaqaaqay, si dalka looga badbaadiyo fawdo bilaa sharci ah,” ayey yidhaahdeen Guddoomiyeyaasha Gobolka Awdal ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID.

Dhinaca kale, Xoghayaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal, Axmed Muumin Seed, oo isna arrinta muddo-kordhinta Golaha Guurtida, ayaa difaacay go’aankaas, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Muddo-kordhintii Golaha Guurtidu waxay ahayd mid sharci ah, sababta oo ah dalkeennu waxa uu hore u soo galay doorashooyin xidhiidh ah, wakhtiga

golaha u hadhayna maaha mid lagaga gaadhsiin karo doorasho, iyo dhaqaale ahaan marka la darso xaaladda aynu ku jirno oo adag darteed iyo xeerkii doorashada Guurtida oo wali qabyo a.h arrimahaasi ma aha kuwo si dhib yar looga tallaabsan karo. Sidaa darteed, jaaniska kaliya ee inoo bannaani waxa uu ahaa muddo-kordhintaa.”

Marka aynu jaleecno dhinaca dadwaynaha reer Boorama waxay kala taageersan yihiin labada aragtiyood ee kor ku xusan, iyada oo qolo ku doodayso inuu sharci ahaa muddo-kordhinta Guurtidu iyo kuwa ka soo horjeeda oo aaminsan in la baalmaray sharcigii iyo dastuurkii dalka, go’aanka muddo-kordhinta Golaha Guurtiduna yahay sharci-darro.
© 2002 Jamhuuriya Online Edition