May 23, 2006

Cadde Muse oo ku hanjabay in aan cid kale calan taagi karin

Sooyaal News

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, General Cadde Muuse, ayaa mowqif adag iska taagay qaddiyadda maamulkiisa ee ku wajahan gacan-ku-haynta Gobolka Sool.

 

General Cadde Muuse, oo shalay khudbad ka jeediyey magaalada Laascaanood xaflad lagu caleemo-saarayey Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah Garaadkii 19aad ee Beesha

Dhulbahante, mar uu ka hadlayey siyaasaddiisa ku wajahan gacan-ku-haynta Gobolka Sool ee ay ku muransan yihiin Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland, waxa uu sheegay in maamulkiisu jecel yahay in ay nabad kula dhaqmaan Somaliland, balse waxa uu si adag u caddeeyey in aan sinabi u dhici doonin in calan kale oo aan ahayn ka Puntland laga taago Laascaanood.

“Somaliland in aanu nabad ku wada dhaqanno ayaanu jecel nahay, laakiin, ma dhacayso in calan kale laga taago Laascaanood,” ayuu yidhi Cadde Muuse, oo hadalkiisa ugu quus-goynayey xukuumadda Somaliland ee sheegashada Gobolka Sool.

Munaasibadda xafladda caleemo-saarka Garaadka cusub oo ahayd mid kulmisay masuuliyiin, siyaasiyiin, madax-dhaqameedyo iyo dadweyne tiro badan oo afkaaro iyo siyaasado kala duwan aaminsa, ayaa lagu wargeliyey ka-qaybgaleyaasha in aanay wax siyaasad ah kaga hadli Karin.

Hase yeeshee, Cadde Muuse ayaa dhegaha ka furaystay soo-jeedinta guddiga qabanqaabada caleemo-saarka, waxaanu khudbaddiisa kaga hadlay arrimo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin qaddiyadda Gobolka Sool ee isku maan-dhaafsan yihiin Puntland iyo

Somaliland iyo khilaafka u dhexeeya Maamul-goboleedkiisa iyo xukuumadda Mbeghati ee uu Ra’iisal-wasaaraha ka yahay Cali Maxamed Geeddi, ee ku saabsan soo-saarista shidaalka ku jira degaano ka tirsan bariga Sool iyo Sanaag oo maamulka Puntland dhowaan heshiis shidaal soo-saariseed kula galay shirkado shisheeye.

Xafladda caleemo-saarka waxa fadhiyey wefti ballaadhan oo ka socday Somaliland oo isugu jiray Wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamanka [Guurtida iyo Wakiillada], salaadiin iyo aqoonyahanno kale. Hase yeeshee, masuuliyiinta ka socday Somaliland fursad looma siin ay kaga hadlaan xafladdaas, oo ay kaga jawaabi karaan hadalada Cadde Muuse.

Iyaga oo weliba masuuliyiinta hoggaaminayey weftiga ka tegay Somaliland ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Gobolka Sool.

Xafladda shalay ee caleemo-saarka Garaadka cusub, oo ay goob-joog ka ahaayeen dad badan oo siyaasiyiin ah oo kala afkaar duwan, ayaa si taxadir leh looga xakameeyey rag badan oo doonayey in ay afkaartooda siyaasiga ah ka jeediyaan. Iyada oo goobta xafladdu ka dhacaysay ammaankeeda aad loo adkeeyey, oo ay ilaalinayeen ciidamada Maamul-goboleedka Puntland oo watay gawaadhi tikniko ah oo laga keenay Garoowe.

Cali Khaliif Gallaydh, oo ka mid ah siyaasiyiinta u dhashay Gobolka Sool, oo Ra’iisal-wasaare ka ahaa xukuumaddii Soomaaliya ee Carta lagu soo dhisay, ayaa ka mid ahaa raggii loo diiday in ay ka hadlaan xafladda shalay ee caleemo-saarka Garaadka cusub.  

Hase yeeshee, xaflad casho-sharaf ah oo xalay magaalada Laascaanood loogu qabtay ka-qaybgaleyaashii caleemo-saarka Garaadka, ayaa Mr. Cali Khaliif Gallaydh fursad loo siiyey uu kaga hadlay.

Mr. Gallaydh, oo ay waqtiga dhinaca afkaarta siyaasadda iskaga soo horjeedaan maamulka Cadde Muuse ee Puntland iyo xukuumadda Mbeghatu ee uu Madaxweynaha ka yahay Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ayaa hadal uu xalay ka jeediyey xafladda casho-sharafta ah, waxa uu si cadho leh ugaga jawaabay hadalii uu General Cadde Muuse ka sheegay xafladdii shalay.

Cali Khaliif Gallaydh, oo daba-socday erayadii uu Cadde Muuse ku sheegay in uu jecel yahay Somaliland in uu nabad dhaqmo, waxa uu yidhi; “Ninka Baroonada [tikniko] u soo kaxaystay caleemo-saarka Garaadka, haddii ay run ka tahay nabad-jacaylka uu sheeganayo muxuu u kala rari waayey ciidamadan [Somaliland iyo Puntland] ee isku hor-fadhiya Laascaanood?”

Mr. Gallaydh, oo muujiyey sababihii loogu diiday shalay in uu xafladda ka hadlo in ay ahayd is-hortaag ay ka dambeeyeen madaxda Puntland, waxa uu yidhi; “Annaga baabuuro ay Baroonno saaran yihiin naloogu hanjabi maayo. Laascaanood-na Dhulbahante ayaa leh, oo cidnaba u daba-fadhiisan mayno taladeeda.”

Waxa kale oo xafladdaa casho-sharafta ah ee xalay hadal kulul oo ay xamaasadi ku jirto ka jeediyey Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE, oo ka mid ahaa ka-qaybgalayaashii caleemo-saarka Garaad Jaamac Garaad Cali.

Maxamed Kaahin, oo daba-socday hadalo ay xalay xafladda ka jeediyeen siyaasiyiin reer Laascaanood ah – Cali Khaliif Gallaydh iyo Maxamed Jaamac Jengali – oo labaduba ku tar-sheegtay in ay rukun ahaayeen nabadda iyo xasilloonida Gobolka Sool, waxa uu yidhi; “Ragga meesha ka hadlay waxaan leeyahay nabadda Dhulbahante cid walba annaga [Somaliland] ayaa kaga xaq leh keenisteeda, annagaa lahayn oo ka shaqaynay ilaa 1991-kii.”

“Cidda maanta taa ku faanaysa [nabadda Sool] waxay wax ka qaban lahaayeen dhibaatooyinka ka socda Xamar, oo ay dejin lahaayeen,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin, oo hadalkaa ula jeeday Cali Khaliif Gallaydh, oo Ra’iisal-wasaare ka ahaa xukuumaddii Cabdiqaasim iyo Maxamed Jaamac Jangali, oo hadda ka tirsan xukuumadda Mbeghati.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu kula dardaarmay Garaadka cusub in uu la yimaaddo dhaqankii aabbihii marxuum Garaad Cali Garaad Jaamac, oo uu sheegay in uu ka mid ahaa raggii dhaliyey kuna adkaa xornimada Somaliland ka qaadatay gumaysigii Ingiriiska ee dhidibadda u taagay xisbigii SNL ee dhaliyey xornimada Somaliland.

Garaadka cusub, Garaad Jaamac Garaad Cali, oo shalay lagu caleemo-saaray magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa hadal uu ka jeediyey xafladdii caleemo-saarkiisa, waxa uu kaga warbixiyey hawlaha uu qaban doono iyo mowqifkiisa siyaasadeed ee uu ku shaqayn doono. Isaha oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxa aan u taaganahay midnimada Soomaaliya, waajib bay igu tahay inaan ummadda Soomaaliyeed isu baadi-doono. Waxa aan ku talinayaa in la taageero dawladda Federaalka ah.”

Waxa kale oo xafladda ka hadlay dad badan oo marti-sharaf ah, suldaano, malaaqyo, boqorro, isimo, garaado, abwaano iyo aqoonyahanno ka kala yimi Soomaaliya, Somaliland iyo dalka dibaddiisa.

Wariye Maxamed Ahamed Jamac (caloolay)

Copyright ©2005 to Sooyaal News.