May 22, 2006
Prof. Samatar : a proud somali-gabilay-american citizen
By Jaamac O. Geele
Waayaha aduunkaa kula kulminaaya waxwalba. Cimrigayga oo 48 jir ahna Ilaahay ma wuxuu ila sugaayay in maanta lala soo shax tago nin Professor ah wax ha loo sheego. Waa yaab, laakiin waxay ina tusaysaa herrka hoose ee wali ka xoroobin qabiil iyo jaahilnimo isku haysata inay wax taqaa.
Ninka Dool oo malaha dib u akhriyin waxaabaha uu qoray dhowr shay oo tilmaamaaya sobobaha ku kalifay inuu madasha keeno hadaladiisa iyaan halkan ka sheegayaa anigoo jecel inuu Dool su,aalahan ka jawaabo amba la kaashado cidda xog’ogaal ah :
- Marka hore Dool wuxuu moogyahay cidda uu caayayo, malaha isagu inuu Prof. Samatar caayay uma haystee. Waxyaabo laga xishoodo iyaa jira , laakiin aqoontaa lagu gartaa waxa laga xishoodo iyo waxa kale
- Markuu Dool leeyahay prof. Samatar waa reer Awdal, muxuu u jeedaa?
- Dool muuna ogay in Jaamac Samatar maayarka Gabilay ahaa oo doorasho ku soo baxay,
- Dool wali waxaa ka dhex guuxaya in Gabilay ay tahay meel jilib Isaaq ihi dago markuu Samatar u riixayo xagga Awdal;
- Dool wuxuuna garaynay in shaqsiga ugu aqoonta badan soomaliya inuu yahay Samatar oo Gabilay ku faanto;
- Markuu Dool leeyahay dib reer Dilaad iyo reer gabilay iskuku dhicimaayaan, muxuu u odhan waayay dadka deggan degmada gabilay ee wada dhashay dib iskuugu dhicimaayaan? Yaa is dilay soo reer gabilay ma,ahay, dbadeed Dila may gaadhin…
- Dool ma ii sheegi karaa halka lagu sexeexay heshiis beeleed dhex maray qabiilooyinkii isku dhacay ee degmada Gabilay, bal iska daa reer Awdaloo iyo wakhtiga heshiis noocaas ihi dhacay
- Dool oo ka mid ah kuwiii ka mudaaharaaday doorashadii Cali Gabilay soo ma cadda dulucda hadaladiisii
Mida kale Dool inuu aamuuso amba xishoodo iyaa la gudboon ee maaha inuu afka sii waaxo uu yidhaa reer Awdalow dhaarta oo Waalaahi u higaadsha sida dibjirka dooxa harar (Hargaysa). Waxaad aaminsantahay in Prof. Samatar ay la gudboonayd inuu iska ogolaado soomaaliland mar haddii nin ay isku abtirsiim yihiin madax ka yahay.
Taasi waxay la mid tahay adigoo ku ducaysanaaya inuu Prof. Samatar kula garaad noqdo. Waa habaar, waa habbaar ee Ilaahow ag mari Professor ka.
Prof. Samatar waa nin muujiyay inuu dad ka horeeyo taana waxaa u qiray ummada maraykan ka oo ku aamintay inuu maareeyo cilmiga siyaasada ee u baro. Jaamacada uu joogo prof. Samatar wuxuu ka yahay Hormood markaa waa aqoonyahay tilmaamahiisa lagu meel maro , wuxuuna ku jiraa tiro kooban oo la talisa siyaasada guud ee dalka Maraykan ka. Waana cilmi baadhe, waa cilmiga siyaasada iyo maamulada dowliga ah.
Shaqsiga culayskaa leh Doolow dhagax ma ku tuuri kartaa? Inuu wax haggo mooyee, maxaad u sheegi kartaa? Afkeed ku caayi kartaa markaan ognahay tayada intaad hormood ka dhigataan haddaad tihiin kooxda goonigoosad ka ah !
Dool, Prof. SAMATAR iyo walaalkii Prof. Cabdi waa laba nin oo soomali oo ildil u ah sharaf iyo wax lagu faano, waxaana ku faanta Gabilay oy u dhasheen. Haybad Eebe siiyayna habaar kaga qaadi maysid. Waa labo nin oo hormood u ah aqoonyahanada soomaliyeed iyo Afrikaba. Waxaan u malaynayaa inaad dhagaysatay doodii Prof. Cabdi Ismaciil Samatar Iyo Ambassador Cohen ee ka baxday VOA iyagoo laga warsanaayo xaalka guud ee Soomalia.
Doolow waxaad ogaataa in ninka aqoonyahanka ihi uu ummada uu la noolyahay inuu ka horeeyo wax ku dhow boqol sano. Sidaa waxaa yidhi qarnigii 17aad, mudane Cesare Beccaria oo qoray buuga nuxurka u ah cilmiga Law ga. Walaal wuxuu Samatar sheegaayo ha u qaadan nacayb dad uu necebyahay iyo inuu raqiis ahaan Soomaliland kaga soo horjeedo balse wuxuu cabiraayo aqoon gab ma garan karo. Waxaan kuu sheegayaa in sidded iyo sideetankii laftaadu aanad maskaxda ku hayn wax la yidhaa dawlad Soomaliland.
Waan hubaa taas. Haddaba ma la socotaa in isla sanadkaa in DR Cumar Cusmaan Raabe ( ha ka jidhiidhicoon!) inuu sii shegay sida manta ay tahay soomalia oo idil ilaa inay gu’idoonto waqooyigu amaba wax aan la garanay inay ku dambaydoonto. Waxaan Hubaa A/Tuur iyo Sraanyo midna inuuna ogayn 1988 inay Soomaliland jiri doonto waayo qorshayoogu wuxuu ahaa inay Soomalia waligood ka mid ahaadaan.
Markaa midbaa kula gudboon adiga iyo qayrkaa : culumada dhagaysta , haddad fahmi waydaana tasfiir na soo waydiiya waa la idiin jilcin doonaaye balse aflagaada ka daaya haddii kale…
Haddad u haysato inay reer Awdal wada goonigoosato yihiin waxaad ula badheedhay cay aan geedna loogu soo gaban. Waxaad caydey aqoontoodii iyo fikirkooga balaadhan. Reer Awdal maaha dad caadifadu is raaciso oo iyagoon waxba hubsan wax iska caashaqa. Ninka reer Awdal markuu talada rogrogo ee uu cilmigiisa iyo garaadkiisa la kaashado ayuu gaadhaa mawquf siyaasadeed oo u gaar ah. Hana filin inaad akhriyi karto strateejiyada dadka reer awdal oo ay u talin jireen ugaasyo garaad leh oo taladooda lagu caano maalay sida Ugaas Nuur Ugaas Rooble ood gabayadiisa iskuulada ku soo dhigaytay haddaad iskuul gashay. Ugaas nuur wuxuu mar yidhi:
- Ninkaan dili ninkaan dagi
- Ninkaan dabin u qoolaayo
- waa laysku kala daadshaa
- Yuuna kaa didine
- Dabinkaan u qoday
- Maalintuu degelka soo saaro
- Isagoon dareen qabin
- Maxaan kaga dayaansiiyay…
Awdal iyo waqooyiba way buuxaan dad ka soo hor jeeda goonigoosadka oo u arka waxaan dan u ahayn waqooyiga waayo goonigoosadku waa fakir marka horeba ka soo maanguuray koox yar oo ay hagayso siyaasad cunsurinimo ah oo ka fog garaad toosan. Waxayse dadku isku khadaan labo shay:
- Ogolaashaha soomaaliland
- iyo Dhowrista nabada
Ku dadaalka nabadgelyadu kama dhigna ogolaashaha goonigoosadka, waligaa ogsoonow . Xaqiiqadu waa taas.
Jaamac O. Geele
jkayad@yahoo.fr






