May 11, 2006

Nin Daad Qaaday, Xunbo Cuskay

By Cabdiqani suldaan Yuusuf


UDUBta barakaysani waa ku guul darraysatay sugidda ammaanka iyo xasiloonida iyo dhammaanba daryeelka qaybaha bulsho ee dhan kastaba. Xisbigani iyo maamulkiisuba waa og yihiin inay kabo ridanayaan, dib danbana an loo dooran doonin. Waa ay ogsoon yihiin inay wax kasta oo horurmarka dalku ku jiro ku wada dhicisoobeen, waanay ogsoon yihiin inaanay xisbiyada mucaaridku kaadsan laayihiin (Can’t wait)

ka xayuubinta xilka iyo xukunkaba dhammaan. Sidaa daraadeed waa inay ku kacaan sidii ay u bannaysan lahaayeen bannaankii ay ku baxsan lahaayeen iyagoon hadana ordin. Waana ta ku kalliftay inay dan moodaan inay Golaha Guurtida wakhtiga u sii kordhiyaan bal si an

markaliya loo wada xuubsan eey qunyar usii tukubaan una sii luudaan.
Ka sokow Dawladda UDUB oo raadinaysa Albaab ay kaga baxdo dabkay shideen (Fire Exit), waxa jiri kara dhinacyo kale oo wanaagsan (Positive Ways) oo la iska tusi karo muhiimada ay yeelan karto u seeto

dheeraynta golaha guurtidu. Waxay aniga iila muuqataa in guurtidu yihiin golaha duqaytida oo matala shicibka, sidoo kalana  nabad galyada dalka waxa sugay ee ilaaliyana yihiin dadweynaha  oo duqaytiduna hormuudkooda yihiin. Waxa kale oon wada ogsoonnahay in dalku

wali helin aqoonsi caalami ah oo haddayba taag yeelan lahayd malaha wax tari lahaa dawladdan kaba ridatay. Waxa iyadna intaas dheer in labada xisbi ee mucaaridkuna sidoo kale wax badan aanay dhaamin

UDUB (xisbiga Jaalle) ee iyaga laftarkoodu yihiin Jabhad iyo Jaajuus is bahaystay (KULMUCID). Waxa kale oo jirta in la hadal hayo abuurista xisbiyo kale oo siyaasadeed oo saddexda horaba ka duwan oo dalku u baahan yahay, kuwaas oo u adeega danyarta iyo maatada oo iyagu ah qaybaha  bulsho weynta Somaliland u badan yihiin ee la illaaway;   

waa sida xisbiga UMAD(Ururka Maatada iyo Danyarta) iyo qaar kalaba.
Sidaa daraadeed, waxa in la garoowsado u baahan in badbaadada Dalka iyo Dadku wali ku jirto  in Duqaytidu sii joogaan ilaa iyo inta dhan loo kala dhacayo. In maanta Duqaytida la xagxagto oo laga dhigo xisbi siyaasadeed oo dawlada la shaqeeyana iyagu ma galabsan ee gafka

waxa iska leh  xisbiga maamulka dalka haya oo ah ‘‘Nin daad qaaday, Xunbo cuskay”.  Way og yihiin in xaalkoodu yahay ‘kani galbay, ku kale mooyee’, wax lala yaabana ma aha xisbigani inuu sii

raadsado meel uu  cuskado. Xalka ugu fiicanina iilama eeka in dhooqada la wada wallaaqdo oo talis naf la caari ah, lasii gilgilo, illayn waxba laga gooyni maayee. Mana aha in Madaxweynaha kaliya lagu koobo xaajo Xisbi xurmo beelay kuwada xayiran yihiin. Waxay ila tahay, wanaagu inuu ku jiro in xisbiyada mucaaridku la shaqeeyaan Golaha Guurtida,

aqoonsadaana mudada loo kordhiyay isla markaana ka wada xaajoodaan hannaanka ugu hufan ee UDUB maamulka dawlada looga hufi lahaa (Smooth transiton) iyadoon cid kale gaf iyo godob laga galin, dabka dawladu shidaysana an lasii hurin.
 
Soomaali-weeyn kama hadhin burburkii kacaankii barakaysnaa, waxanse Ilaahay ka baryaynaa in Somaliland ka hadhi doonto burburka UDUBta Barakaysan….  AAMIIN….
 

Nabad iyo Caano
 
LIIBAANA
 
 

Cabdiqani suldaan Yuusuf

London UK
 
 
hiildan@yahoo.com