April 23, 2006
Warsaxaafadeed: Cambaarayn aan Saxnayni waa waxa lugta Jiiday Horumarka Dalkan
Guddoomiyaha Guddida Abaabulka iyo Wacyigelinta Xisbiga UDUB
Maxamuud Cabdi Faarax (Malow)
“War-saxaafadeedkani waxa uu raad raacsan yahay war-saxaafadeed ay labada xisbi mucaarad UCID iyo KULMIYE ay ku baahiyeen wargeyska Haatuf tirsigiisii 1090, Vol. 5 kuna taariikhaysan Jimce 21 April 2006.
War-saxaafadeedkaas oo aad moodo in uu duraayo horumarka dalka iyo dedaalka Xukuumaddu ay ugu jirto shacbigeeda mucaarid iyo muxaafidba.
Dhaliishu way furan tahay, laakiin waa in aanay noqon mid majaro habaabinaysa shacbiga, isla markaana bixinaysa sawir meel aan waxba ka jirin, taas oo noqonaysa in uu ku farxo cadowga Somaliland gude iyo dibadba shacbiweynahana ku noqonaysa layaab wararkan xaqiiada ka fog.
Daahir Rayaale Kaahin; “Maanta Somaliland waxay ku iibsamaysaa doorasho” waxay ahayd jawaabtii uu ka bixiyay doorashadii Madaxtooyada markii lagu yidhi dib u dhig.
Xukuumadda Somaliland waxay tabogelisay ciidamo Qaran oo sugi kara nabadgelyada gudo iyo dibadba, waxayna barbaarisay shacbiweyne u diyaar ah ilaalinta nabadgelyada. Taasi waxay keentay in dhammaan falalkii argagixisada ahaa ee lagu khalkhal gelinayay amniga Qaranka Somaliland gacanta lagu dhigo, waxa taa barbar socota hormarka dhaqaalaha, dhiirigelinta maalgashiga shisheeyaha, xoojinta ganacsiga madaxa bannaan iyo ka faa’iidaysiga khayraadka wadanka si dadka shaqo loogu abuuro, sida oo kale ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha muwadinka hadday tahay sinaanta shaqada, xoriyatal qawlka iyo daryeelka xuquuqda dadka jilicdsan sida:
Agoomaha, naafada iyo guud ahaan dhammaystirka baahida arrimaha bulshada. Waxa Xisbiyada Mucaaridka ay yidhaahdaan siyaasadda dibadda waxba lagama qaban, waxaynu ognahay in ay maanta Somaliland sharaf iyo maqaan ku dhex leedahay bulshada Caalamka iyo waliba ururada Caalamiga ah, sida AU, EU iyo UN. Taas oo ka dhalatay safaraddii Xukumadda Somaliland ku gaala bixisay dunida si ay u meel mariyaan qadiyadda Somaliland, iyada oo ay mar walba barbar taagan yihiin Jaaliyadaha Somaliland ee dalalkaas Mucaarid iyo muxaafidba. Intaasi waxa dheer in ay Xukuumadda Somaliland ay hirgelisay qunsuliyado dalal badan inooga furan, taas oo aynu ku kasbanay saaxiibtinimada dalal badan oo dunida ka mid ah oo ay ugu dambaysay safarkii Madaxweynuhu ku tagay dalka Yemen, meelna la isla soo dhigay arrimo ay ka mid yihiin Iskaashiga labada wadan sida: ilaalinta badaha iyo ganacsiga Xoolaha iyo kalluumaysiga.
Waxaan soo jeedinayaa in saaxiibadayada xisbiyada Mucaaridka in danta qaranka si wadajir ah ugu wada adeegno gacan ku siino Xukuumadda wax qabadkeedana aan daah la saarin, iyada oo had iyo jeer ay ina daashatay cambaarayn iyo dhaliilo xad dhaaf ah mugdina gelina kara habsami u socodka siyaasadda Qaranka”.







