April 22, 2006
Arinta Aamina Weris
X. Seef X. Jaamac Fadan
Aniga oo ah X. Seef X. Jaamac Fadan kuna nool dalka Cumaan, waxaan aad iyo aad uga xumahay arinta foosha xun ee maalin walba aad ku arkayso websityada iyo jaraaidka ka soo baxa Soomaliland iyo Soomaliyaba, ha u badnaadaan kuwa dhinac jira. sheekadan oo ah Xaaska Guddoomiyaha Kulmiye oo shaqo looga diiday Madaxtooyada iyo Qorshaynta.Waxaan weydiinayaa Odayada reer Awdal iyo aqoon yahanadooda sida ay wax u jiraan iyo sida ay u arkaan maxaa looga waayay wax ka hadla ilayn sheekadu waxay u socotaa waa reer ahaan eh.haddii aynan qabin waxan lagu sheegayo wa in ay ka hadlaan, aamusku wuxuu la mid yahay raali.
Waad mahadsan tihiin.






