April 21, 2006
Kayn libaax soo galay, lo’o ma joogayso !!!
By Cabdiqani suldaanYuusuf
Horey waxan uga hadlaynay Nabadda waraabaysan oo ah in Waraabe dad ku weeraray meelo dalka ka mid ah, imikana wax ka weynbaa yimid oo waa Aar Libaax. Wararkii u danbeeyayna waxay sheegeen in Libaax la korinayay intuu soo fakaday qof yar ku weeraray Hargeysa. Sidoo kalana Libaaxyo yaryarna Berbera lagu qabtay kuwaas oo dalka dad ka dhoofinayeen.
Arrintan waxa jawaab ka soo celiyay Waraabihii hore:
Waraabihii Warraaqyoo
- Weerarkaygu wuxu yidhi
- Waanwaan buu wadiyo
- Wacyi galin siyaasadeede
- Waa WAREEY baan lahaa
- Waxa i Weydaartay LIBAAXOO
- Wadanka lagu koriyaaye
- Waxba ha moodina Waayeele
- Wuxu isba waa Xayawaane
- Waxshi ah illeyn Sidaydoon
- Wada wadaagnaa Caydhine
- Nagu wada waraabsha weel qudha….(Equal Opportunity)
Xayawaankiina waa kuwaas oo waxay rabaan in la siiyo xuquuq siman (Equality of Rights), mar haddii dalku yahay Diimuqraadi, way u qalmaane halla siiyo, oo waraabaha iyo libaaxa si isku mid ah halloo tixgaliyo. Haddii kale kolba midbaa danyarta iyo maatada weerari inta kuwa ladanina ku laafyoonayaan daawashadooda.
Cabdiqani suldaanYuusuf
HiilDan






