April 12, 2006
Siilaanyo waxa uu garaacayaa oo lulayaa geed Shini abaaraysatay ay ku jirto
Waxa aan akhriyay qoraal ku soo baxay Web-ka Somaliland.org bishani April, Tobankeedii qoraaalkaasi oo uu qoray wariye ka tirsan idaacda Kulmiye ee Horyaal isla markaasna ah wariyaha Somaliland.org. Faaladiisaasi wariyaha waxa uu ciwaan uga dhigay Madaxweyne Riyaale Wuxuu Garaacayaa Geed Qudhaanjo Leh Oo Uu Hoos Fadhiyo, runtii ma xuma in madaxweyne Rayaale la dhaliilo ama wax laga sheego, lakiin ma haboona in loo dhaadhco meelo aan wax laga dayin oo ah qabyaald iyo hebel hebel u adeegso wadankana waxa uu soo maray marxaldo kala gadisan. Qaran NEWS






