March 9, 2006
Tacsi
INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.
Anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda Somaliland ee Wales, magaca reer Carwo, iyo kan xaaskeyga, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelka iyo ubadka uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Aw Nuur Maxamed, oo aha Odayga ku dada weyn Jaaliyadda Cardiff, ooy degan yihiin tafiirtiisa ilaa awoow seddexaad, kuna geeriyooday Diredhabe 6/03/06.
CABDILAAHI waxuu ka mid ahaa shaqaalahii dawladda tan iyo xoriyadda ka hor, aadna looga yaqiinay Hargeysa, Berbera iyo
Burcaba oo uu shaqooyin kala duwan ka soo qabtay, ehel iyo qaraabana ku leh Diredhabe oo uu beryahan deganaa.Abdillahi
waxuu ahaa meesha uu joogaba nin ka muuqda, oon marna da’i fadhiisin, aadna loo tebi doono.
Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla jannatul- fardoos.Aamiin.
Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa dadweynaha yaqaanay ee Somaliland iyo Kilinka Shanaad degan, ehelkiisa kale,
qaraabadiisa,xigtadiisa,asxaabtiisa meel kasta oy joogaanba, si gaar ah tafiirtiisa degan Wales.Waxaan dhammaan leeyahay Samir iyo Iimaan.
Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland ee Wales,
Cardiff
ahmed_arwo@yahoo.co.uk








