February 24, 2006
Marwo Somaliland U dhalatay Milgeheedu in la Cambaareeyo maaha.
By Ahmedweli Goth, Uk
Bishan Febarwari 17keedii, waxa ay shabakadda Somaliland.Org, soo nashrisay maqaal ay ugu magac dartay Maxaad kala socotaa awoodaha qarsoon ee Marwada Madaxweynaha. Marwo Huda Barkhad. Maqaalkaasi oo qoraaga qoray uu ku tiiq-tiiqsaday warar mala awaal ah oo aan sal iyo raad lahayn. Isaga oo ay ujeeddadiisu tahay in uu shacabka qaldo isla markaana uu colaad kala dhex dhigo Marwada iyo mujtamaca ay la nooshahay.
Haddaba aniga oo maqaalkaasi aan jeclaysan, ayaan misana go’aansaday in aan jawaab siiyo saaxiibkayga ku khaldamay Marwa Huda Barkhad. Sababta I kaliftayna waa midda ku salaysan dhaqankayga iyo naxariista aan u hayo haweenkeenna reer Somaliland ee nolosheenna u ah laf dhabarta. Wiil kasta oo qalinkiisu ku qaldamo haweenkeennana waxa habboon in wacdaro lagu dhigo.
Walaalow, hooyadaa iyo gabdhaha aad la dhalatay ma u quudhi lahayd in aad fagaarayaasha ku caydo? Jawaabtaadu waa haa. Waa runtaa oo maxaad u caayi-weydey, sowdiga Hudaba kuwaa la mid ahba caayey. Walaalow, innaba xurmo ma siisaa haweenkeenna? Jawaabtaadu waa Maya…
Been maad sheegin waayo, qoraalka aad Huda ka qortay haddii lagugu qiimeeyo, waxa la odhan lahaa weligiiba dumar ayaa uu la tirsan jiray.Walaalow, dhaqanka iyo wada noolaashaha nabadgelyo ma jeceshahay? Jawaabtaadu waa Maya…. Akhlaaq iyo edeb ma lagugu soo koriyey? Jawaabtu waa ta aan kaa sugayo.
Haddii aanan wax isula hadhayn wax kale ayaan weliba sheegi lahaa. Aqoon badanna waan kuu leehay. Su’aalahan aan ku weydiiyeyna markii aan akhristay maqaalkaagii jawaabkale oo aan kuwaasi ahayn waan u waayey.
An ku soo noqdo maqaalkaagii aad ka qortay Marwo Huda, in aan wax kaa idhaahdee, Huda waa gabadh Somaliland u dhalatay oo uu qabo Madaxweyneheenna Daahir Riyaale. Run ahaan maaddaama uu qabo nin siyaasi ahi, kama madhna siyaasadda. Laakiin cidina ma ay dooran,
mansab ay dawladda u haysaana ma jiro. Nolosheeda gaarna waa u xor oo dastuurka iyo sharciga midna kuma ay xad gudbin. Sabab aan nolosheeda Privetka ah u fara-gelisaana meeshaba ma taallo( tusaale ahaan waa sida aad hadalka u dhigtaye, huteelka ay makhribkii, amma duhurkii u
cunto tegeyso, haweenka ay raacayso, carruurteeda waxa ay ka yeelayso iwm), midina maaha hawl adiga kuu taalla, amma lagaala tashanayo. Haddiise aad Rayaale iyo dawladdiisa wax ka sheegto waa mid xor aad u tahay, oo aniguba si adag ayaan wax uga sheegaa marka aan doono.
Hase yeeshee, aflagaadooyin illaa iyo aqalkiisa ah ma gaadho. Markaa waxa ay ila tahay in aanad sharaf samaynin sidii dhaqankeennu ahaana aad ka leexatay. Haddii aan ku xukumi lahaa oo aan xaal ku saari lahaana ma gudi kartid.
Shabakadda aad maqaalka ku soo qortayna sharaf dhac ayay ku tahay in ay soo qorto maqaallada cayda ah ee noocan oo kale ah. Waxana fiicnaan lahayd in ay marka hore hubiyaan.
Akhristayaasha shabakaddani ee ku kala nool dunida daafeheedana waxan ka tacsiyadaynaynaa qaladka ay gashay shabakaddani. Qoraagana waxan leehay afkay bannaan uun looma hadlee, is hubso. (Somalida ayaa ku maah maahda, siddi siddidaada mooyee dhul u dhacaaga hubso) lamana degdego.
Murti iyo gabagabo…akhristow maxay kula tahay maqaalka uu qoray Mahamad Abdi Hassan( Diridhaba), ma mid idinla qumman baa? Midda kale,in haweenkeenna aan public ku
aflagaadaynaase ma mid bannaan baa? Jawaabtaydu waa maya…ta akhristayaashana waan sugaynaa.Waxase ay ila tahay, nimay hooyo fiicani dhashay dumar ma caayo, wiil sharaf iyo dhaqan fiican ku korayna haween ma caayo. Qaladse waa uu dhici karaa, ee ha la iska jiro ta
noocan oo kale ah. Sida uu Diridhaba ugu talax tegey Marwada Madaxweynuhuna waa mid ka bad-badin ah. Loomana turjumi karo in uu qalad loo baahan yahay sheegay.






