February 20, 2006

Marwada kowaad waa muraayada somaliland ay isku daawato

By Xasan Waraabe Cade ( reer Norwey)

Marwada kowaad ee somaliland Huda Barkhad Aadan waa muraayada somaliland ay isku daawato, mana mudna ceeb iyo aflagaadeyn! Gudd:- horumarinta ciuaaraha Somaliland. Anigoo ah muwaadin reer somaliland ah degena dalka Norwey, kana mid ah muwaadiniinta somaliland ee hadh

iyo habeen u heelan, dalkooda anigoo ku hadlaaya magacayga iyo muwaadiniinta kale ee qurbo jooga ee ilaa maanta khadka Tilifoonka igula

soo hadlayey, “ ayaaan xaal sharafeed siinaynaa marwada kowaad ee qaranka marwo huda barkhad Aadan”, iyo dhamaan haween weynaha somaliland oo aan geyin in loo quudho hadalo aan munaasib ahayn, idina haweenow xaal qaatada. Anaga oo aan jecleyn inaan jawaab ka bixino

maqaalkii ku soo baxay shabakada somaliland org, ee maqaalkaa ciwaankiisu ahaa “ maxaad kala socotaa awooda qarsoon ee marwa huda” ee uu qoray mr Diridhaba, waxaan leenahay, marwada kowaad ee somaliland huda barkhad Aadan waa muraayada somaliland ay isku

daawato maaha mid ceeb iyo aflagaadeyn mudan, waana marwada madaxweynaha somaliland ee shacabka reer somaliland ay soo doorteen “ one man one vote” waa sharaf dimuqraadinimo, inay noqoto marwda kowaad ee dalkeena somaliland. Waxa qof walba ku waajiba inaynu

qadarini milgaha haweenka iyo haybada marwada kowaad hadii aan in yar ka taabano, waxyaabaha ay marwadu dalka u qabato ee muuqda;-

waxay heegan u tahay oo ay dhexda u xidhatay inay gar-gaarto taageertana xarumaha agoomaha dalka gaar ahaan xarunta agoomaha hargeysa, oo ay hadh iyo habeen ay xaalkooda la socoto

waxay caawisa oo ay dhiiri gelisaa xarumaha caafimaadka sida cisbitaalada iyo meelaha la mida

waxay latashada haween weynaha sidii ay uga qeyb qaadan lahaayen hanana socodka dimuqraadiyada ka hano qaaday somaliland, waxay ka war haysaa umadeeda ilaahay xilka u hibeeyey. Marwadu waxay astaan u

tahay hooyooyinka somaliland iyadoo ku wehelisa safarkasta oo madaxweynuhu dalka dibadan uga baxo, waxay qeyb weyn ka qadataa

wacyi gelinta haweenka qurbo jooga reer somaliland oo u hiloobay inay la kulmana madaxda dalkooda, waxay marwadu la dareen tahay inta ka mqan dalka oo aanay marna iska weyneysiin lana kulantaa cidkasta oo jecel inay figrad isweydaarsadaan. Mar labaad ayaan xaal siinay marwada kowaad ee

somaliland, oo ah mawro ku timi doorasho iyo dareen aqlabiyadeed oo ilaahay xilka uu gartay madaxweyne Rayaale, waxaanana meesha qaban in

la is bar bar dhigo, talis milatery mawadii iyo marwo doorasho ku timi oo ah mudo cayiman, waxa haboon inaynu taageerno intaa mudadaa taajka rabigu uu u gartay ee ay hayso huda barkhad Aadan, oo ah muraayada dimuqraadiyada somaliland.Waxaan leenahay marwo huda barkhad “

Dareenkaagu yaanu liiciin, xaashaa nin libin kaa xistitiyey xumihii waa yaabe”, kuna gudo waajibaadka qaran kalsooniada shacbigaaga, waxaanan talo kot iyo laaba kugu soo jeedinaynaa inaad laban laabto caawimadaada aad siisi agoomaha iyo danyarta somaliland

Gudoomiyaha Hormarinta Ciyaaraha somaliland

Xasan waraabe Cade ( reer Norwey)