February 17, 2006
Jawaab ku saabsan maqaal ah SNM baa dhashay Somaliland
By Cabdale farah sigad Awdalaawi, London
Marka hore waxan salaamaya dhamaan dad waynaha somaliland meel kasta oo ay ku noolyihiinba. Marka xiga waxan sigaara u salaamayaa ninka soo qoray maqaalka aan ka jawaabayo waxanan leehay C/salaanow anigoo ah nin somaliland u dhashay jiritaankeedana aad iyo aad u aminsan marnaba ha iga filin in aan kuu lug qabto nimanka koonfurta
Waxanse jeclahay in somaliland cida dhashay iyo sida ay somaliland ku timid aan u soo ban dhigo adiga iyo dadyawga daneeya arimaha somaliland iyo waliba kuwa lidiga ku ah dibad iyo gudaba hajoogaane.
Hadaba hadii aynu marka hore waxyar soo qaadano ururkuu SNM la odhanjiray ee la dagaalami jiray dawladii siyaadbare waxan wada ogsoonahay madaxda ururkaasi in aanay marnaba cadaysan wakhtiyadii ay dagaalka ku
jireen in ay u dagaalamayaan xornimo somalailandneed run ahantiina waabay danfiri jireen markasta oo la waydiiyo in ay u dagaalamayaan in ay gooyaan wixii la odhan jiray GOBOLADA waqooyi.
Lamana odhan karo snm waqtigaa siyaasad ayay uga jeeday in ay qariso ajandaheeda ku saabsan gooni isku taaga wayo waxa hubaala hadii ay
waqtiyadaa snm aminsanaayeen in ay go,aan oo ay cadaysan lahaayeen in waxbadani u dhibyaraan lahayeen sobobtoo ah snm waxay ahayd beel ka mida beelaha daga somaliland waxana yaraan lahayd iska hor imaashihii dhex mari jiray beelaha wada daga somaliland.
Waxa taa sii dheer oo cadaynaya in aanay snm somaliland dhalin mid aynu wada ognahay taas oo ah in ay somaliland jirtay snm horteed ee aynu inaga uuni qaldanay oon xamar geynay. Hadaba C/bdisalaanoow mawaxa aad leedahay wax Somaliland layidhaahdayi majirine snm baa samaysay,taasi
hadaad leedahay anu waxan aaminsanahay in aad wiiqayso jiritaanka somaliland kuna tilmaamayso wax damac uun imika ku yimid taasina waxay markhaati u noqonaysaa cadawga somaliland..
Hadaba waxa xaqiiqa ah in anan somaliland cidi dhalin lakiin la xoreeyay
yaase xoreeyay somaliland? jawaabtu waxa weeye kadib markii uudhacay taliskii siyaadbare ee mamulayay wixii horay loo odhanjiray somalilaya waxa jirta in ay jireen sadex xisbi oo hubaysani dhamaan dhalkii la isku odhanjiray jamhuuriyada somaliya waxayna kala ahaayeen.
SNM waqooyiga
SSF gobolda dhexe
USC konfurta
Waxayna qolo walba ku ekaatay meesheeda wayo dalku ma daganayn waqtigaa ee waxa socday dagaalkii ay kula jirtay USC du xogagii siyaad bare.hadaba aynu u soo labano wiixii la odhanjiray waqooyiga waxa dhacday in dadku isku yimid lana yidhi nimanka qoryaha sita ee snm bal aan hada
nabad galyada suga nidhaahno iskuna imano beelo ahaan sadax sano ka bacdi iyada oo waqtigaa lagu dhawaaqay Somaliland, kabacdi wakii la iskugu yimid BORAMA waxana halkaa lagu doortay dawladii cigaal si cadna la isku calool xaadhay.
Waqtigaa hadaynu eegno mawqifkii snm waxa inoo cadanaysa in anay snm waxa somaliland layidhaa ujeedadeeda ku jirin ee ay sugayeen inta koonfuri dagayso wakuwii dagaalka la galay dawladii somaliland ee uu cigaal
hogaaminayay taasi oo dadka daga somaliland ay u dhanaayeen. Ninkii madax u ahaa iyo mamulkii snm wakuwii muqdisho ka dagay.
C/badisalaanow hadaba aniga oo ah nin ka mid ahaa cidamadii sagashanadii ee qaranka Somaliland kana qaybgalay dagaalkii lagaga hortagay nimankii snmta ahaa ee midnimada koonfurta u dagaalamayay ma waxad ileedahay
dagaalkaa aan galay bilaashbuu ahaa Waxa wanaagsan marka aynu qaran ka hadlayno in aynu iska ilawno qiirada qabiilka ee dhamaanteen inagu jirta oo
aynan danfirin qaiiqada ka fogaana waxyaalaha khuraafaadka ah wayo wexeenana iyo targadkeena ayaa noqonaya wax dhalanteeda. Somaliland ha noolato
