17 Degmo oo doorashadii SL Natiijadooda lagu dhawaaqay iyo laba urur oo calamaantii dabaal-dega sii toshay
17 degmo oo ka mid ah 19 degmo oo doorashada Deegaanka Somaliland ka dhacday, ayaa waxa aqlabiyaddooda ku guulaystay xisbul-xaakimka Kulmiye oo hoggaaminaya 13 degmo, halka kaalinta labaad uu ku jiro urur-siyaasadeedka Wadani, balse aan weli si cad loogu kala bixin kaalinta saddexaad oo ay tirooyin aad isugu dhaw dhaw ay isu daba-fadhiyaan Xisbigada UCID iyo ururada Xaqsoor iyo Rays.
Hadaba, 17 kaas degmo oo magacyadoodu kala yihiin; Ceerigaabo, Boorama, Burco, Berbera, Laascaanood, ,Lughaya, Balligubadle, Oodweyne, Saylac, Baki, Sheekh, Caynabo, Ceel-afweyn, Qorilugud, Gar-adag, Sallaxley iyo Xudun waxa isugaynta kuraasta dawladahooda Hoose ee ay kala heleen todobada urur/xisbi kala yihiin sidan:
- 1. KULMIYE wuxuu haystaa 82 kursi
- 2. Wadani wuxuu haystaa 55 kusri
- 3. UCID wuxuu haystaa 31 kusri
- 4. Umadda Wuxu helay 27 Kursi
- 5. Rays Wuxu helay 27
- 6. Xaqsoor wuxuu helay 26 kusri
- 7. Dalsn wuxuu helay 11 kusrsi
Inta aan ogahay Waxa la sugayaa Hargeysa iyo Gabiley
This post has been viewed 81 times.












